Kismaayo (afdheer) Maamulka Jubbaland ayaa badalay Maareeyihii Dekedda Kismaayo iyadoo lagu badalay xisaabihii Dekedda oo loo dalacsiiyey Maareeye.
Maareeyaha cusub ee Dekedda Kismaayo ayaa loo magacaabay Axmed Xaaji Aden.
Isla maanta waxaa la badalay Maareeyihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaana lagu badalay Cabdulaahi Jagadoon.
Magacaabista xilalkan ayaa ah qeyb ka mid ah dib u heshiinta ay wadaan maamulka Juabaland waxaana magacaabistan lagu qanciyey beelaha Mareexaan iyo Hawiye.
Dekedda iyo Garoonka ayaa sidoo kale loo magacaabay laba taliye abni.
Magaalada Kismaayo waxaa ka socda shir dib u heshiisiin ah oo maraya meel gabo gabo ah sida ay sheegayaan warar hordhac ah waxaa jira qorshe ay ku heshiiyeen beesha Sade ee shirku u socday loona gudbin doono beri maamulka Jubbaland.
Guud ahaan Shirka dib u heshiisiinta ee Kismaayo ka socda ayaa weli usocda si rasmi ah waxaana laga muujinayaa rajo wanaagsan in beesha Sade iyo Jubaland ku heshiin doonaan gabagabada Shirka.
{Jcomments off}
Faafin: afdheer.com