Kismaayo (Afdheer) Waxaa socday shir ay lahaayeen beesha Sade wuxuuna shammaaday shalay sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay shirka u socday beesha Sade wuxuu ku dhammaaday inay is fahmeen dhaxdooda ah waxayna heshiiyeen inay guddi u saareen wadahadalka ay beeshu la gali doonto dowlad goboleedka Jubaland.
Guddi ka kooban dhowr iyo toban ayaa wadahadal la furi doona maamulka Jubaland waxaya jira qodobo ay wataan beesha Sade oo ay shir hoosaadkooda ku soo heshiiyeen.
Shirka la filayo inay yeelan doonaan dowlad goboleedka Jubaland iyo beesha Sade ayaa rajo wanaagsan laga qabaa maadaama sida la saadaalinaayo aysan jirin shuruudo keeni kara fashil iyo in lagu guuldareysto dib u heshiisiinta socota.
{jcomments off}
info@afdheer.com