Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka faa`iideystay webiyada...

$
0
0

Adhis Ababa (Afdheer) Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sannadihii ugu dambeeyey u dhaqaaqay beerashada dhulka hodanka ah ee uu maro webi shabeelle waxaana laga hirgaliyey mashaariic waaweyn dhul badan oo ku teedsan webiga.{jcomments off}

Deegaanada uu maro webi Shabeelle ayaa laga beeray hektaro waaweyn oo laga hirgaliyey waqti aan fogeyn waxaana ka baxa geed miroodka sida liinta macaan iyo dhanaan, cambe, iwm sidoo kale waxaa la beeray oo si wanaagsan uga baxa khudaarta oo ay ugu wax soor badan yihiin beeraleydu nooca Basasha iyo saraca kale.

Waxaa jira dhaamam ama biyo xireenno aan badbneyn oo ay ka faa`iideysteen beeraleyda dhulkaas si ay beeraleyda yar yar u tabcadaan dalag ku filan deegaanka una iib-geeyaan.

Dowladda Itoobiya ayaa taageero u fidisa beeraleyda iyo xoolo dhaaqatada Itoobiya si loo kobciyo wax soo-saarka dalka.

Ma aha dhulka laga bilaabay beerashada deegaanada uu maro webi sghabeelle oo kaliya sidoo kale webi Weyne "Ganaane" oo dhanka Soomaaliya looga yaqaan JUBBA ayaa laga hirgaliyey mashaariic waaweyn oo ay dadku ku beeranayaan dhulka barwaaqada ah ee uu maro webigaas oo biyihiisu socdaan 12-ka bilood ee sannadka.

Gobolada laga sameeyey homarka tabcashda beeraha waxaa ugu horreeya gobolada ay maraan labadaas webi gobolka Shabeelle, Afdheer iyo Liibaan oo ka mid ah 9ka gobol ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles