Yeed (Afdheer) Dagaalkii shalay ka dhacay degmda Ato kadib waxaa bartilmaameen noqday meel kasta oo ay ka dhawaayeen saldhiyada Shabaab waxaana la weeraray dhowr tuulo oo ay ka mid tahay Mooragaabeey oo u dhaxeysa Xuddur iyo Aato.
Dagaaladaas ayaa lagu baabiiyey saldhigyo ay shabaab ku lahaayeen tuulooyinkaas iyadoo la sheegay in la dilay tiro badan oo ay ku jiraan saraakiil sare oo shabaab ah.
Dhulka Miyiga ah ee gobolka Bakool ayaa la rajeynayaa in uu noqon doono dhul shabaab ka caagan oo kamid noqon doona deegaanada xasiloon dagaalkii shalay kadib.
Dhanka kale, waxaa degmada Aato ee gobolka Bakool ku sugan masuuliyiin ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo shacabka degmooyinka Baareey iyo Cadaadle iyagoo sheegay inay ka qeybqaadan doonaan sidii loo taageeri lahaa dagaalka lagula jiro shabaab. Masuuliyiinta DDS Itoobiya ayaa caddeeyey inaysan u dul qaadan doonin abniga xuduudka oo khalkhal gala ayna tallaabo deg deg ah oo lagu sugo abniga qaadi doonaan.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax kaalmo ah ka geysan dhibaatada Bakool ka dhacday mana jiro xataa war ay ku cambaareeyeen weerarkii shabaab ku qaadeen degmada Aato ee gobolka Bakool.
Aden{jcomments off}
Yeed, Bakool
afdheer.com