Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Madaxweyne ku-xigenka DDS Itoobiya oo weli ku sugan Xuduudda gobolka Afdheer iyo gobolka Bakool.

$
0
0

Bakool (Afdheer) Wafti uu hoggaaminayey ku-xigeenka madaxweynaha ahna madaxa hoggaanka nabadgaliyada DDS Itoobiya Cabdullaahi-Itoobiya ayaa maalintii 2aad ku sugan goobtii ay shabaab ku weerareen ciidamadii ku sugnaa halka lagu magacaabo FARAQ.{jcomments off}

Shabaab ayaa tekniko badan oo lagu sheegay 7 baabuur xilli waaberigii ah ku weeraray ciidan tiro yar oo deegaankaas loo tababaray si ay uga qeybqataan abniga.

Shalay subax waxaa tuulada FARAQ tagay wafti uu hoggaaminayey madaxweyne ku xigeenka DDS Itoobiya kana mid yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta DDS Itoobiya Faaraxoow waxayna weli ku sugan yihiin deegaanadii lagu diriray.

Ciidamada LYUU POLICE ayaa sidoo kale kusoo qulqulaya xuduudda u dhaxeysa gobolka Afdheer iyo gobolka Bakool si ay uga qeybqaataan sugidda abniga deegaanka.

Lama oga talaaabada ay qaadi doonaan masuuliyiinta ku sugan xuduudda ee ka yimid Jigjiga waxaase jira warar sheegaya dagaalkii dhacay ee ay shabaabku ku weerareen tuulada FARAQ oo ku taal duleedka degmada Ato inay ka barbar dagaalameen kooxo kale oo kasoo duulay dhanka gudaha Soomaaliya.

 

Bakool

afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles