Afmadow (Afdheer) Maamul goboleedka jubaland ayaa qorsheynaya sidii loo tagi lahaa xarunta maamul goboleedka Jubaland ee Bu`aale iyo degmooyinka hoos yimaada oo kala ah Salagle, Saakoow iyo Jilib.
Maamul goboleedku waxa kale oo uu qorshahan laga baaraan-dagayaa sidii loo qaban lahaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay tagi doonaan ciidamada Jubaland oo kaalmo ka heli doona ciidamada Kenya iyo Siralyoon.
Maamulka Jubaland ayaa diyaariyey qorshe lagu xulayo xildhibaanno uu yeelan doono maamul goboleedku 26. June 2014 halka 1da July 2014 la doonayo in maamul goboleedku si buuxda u maamulo 15kla degmo ee hoos yimaada saddexda gobol ee sameystay maamulkan.{jcomments off}
Maalin ka hor Maleyshiyada shabaab ayaa Odayaal ay ka mid yihiin nabadoonno ku xiray Bu`aale ka dib markii sida la sheegay lagu eedeeyey inay reerka ay Odayga u yihiin ka keeni waayeen xoolo loo diray inay kasoo uruuriyaan.
RAAGE
Kismaayo
afdheer.com