Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Dagaaladii gobolka Bakool oo lasoo gabagabeeyey.

$
0
0

Bakool (Afdheer) Dagaal ay shabaab kusoo qaadeen ciidamo fadhigoodu ahaa duleedka magaalada Aato kadib waxaa la weeraray goobihii ay shabaab ka daganaayeen deegaanada u dhowaa degmooyinka xuduudka ee gobolka Bakool waxaa weerar lagu qaaday 4 tuulo oo sida la sheegay saldhig u ahaa shabaab. {jcomments off}

Khasaaraha dagaaladaas ayaa lagu sheegay 74 laga dilay shabaab halka la sheegay in lala wareegay dhammaan goobahaas la weeraray.

Galabta ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey howlgal socday saddex cisho oo ay ka qeybqaateen ciidamo AMISOM-Itoobiya iyo ciidamo Soomaali ah.

Xaaladda gobolka Bakool oo muddo 7 cisho ah aheyd xalad colaadeed ayaa hadda kusoo noqotay xaalad caadi ah.

FG: afdheer.com waxay akhristayaasha ka raali galineysaa qoraal lagu daabacay boggan oo lagu daabacay in dagaaladii dambe ku dhinteen 200 qof warkaas oo ahaa war aan xaqiiq aheyn.

Bakool

afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles