Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Gobolka Afdheer oo laga soo dhaweeyey go`aankii deg dega ahaa ee DDS Itoobiya ugu gurmatay dagaalkii xuduuda Soomaaliya.

$
0
0

Hargeele (Afdheer) Colaadda kasoo cusboonaatay xuduudka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan gobolka Afdheer iyo gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya waxaa si deg deg ah usoo gaaray wafti heer sare ah oo booqasho ku tagay xuduudka kana soo baxay Jigjiga.{jcomments off}

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya Mudane Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi-Iley)  iyo xukuumadiisa ayaa jawaab deg deg ka bixisay abni xumo soo foodsaartay xuduudda dheer ee gobolka Afdheer la leeyahay dalka Soomaaliya waxaana dib loo soo celiyey abnigii xuduudka Afdheer iyo Bakool.

Shacabka gobolka Afdheer ayaa kaalmada deg degga ah ee uu amrray madaxweynaha DDS Itoobiya iyo ku xigeenkiisa ahna madaxa hogganka nabadgaliyada DDS Itoobiya Cabdullaahi-Itoobiya ku tilmaamay mid taariikhda gashay. Sidoo kale shacabka gobolka Afdheer ayaa Mudane Farax Jaamac (Faaraxoow) oo ka mid ah guddiga fulinta ee DDS Itoobiya ahna wasiir ku xigeen ka tirsan xukuumadda DDS Itoobiya ku ammaanay sida uu uga soo baxay waajibkii ka saaraa deegaanka uu kasoo jeedo ee gobolka Afdheer.

27 Mey 2014 ayaa goor aroor hore ah xaruntoodii ku weerareen maleyshiyada shabaab halka lagu magacaabo FARAQ oo ah duleedka magaalada AATO ee gobolka Bakool ciidankaas la weeraray ayaa ahaa ciidan lagu magacaabo ciidanka illaalada xuduudka.

 

Hargeele

info@afdheer.com

afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles