Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Khudbadii Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

$
0
0

Nairobi  (Afdheer) Talaado 2, Disember 2014. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hadal dheer jeediyey maanta.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in meelo badan oo xuduud la ah soomaaliya laga fuliyey weeraro argagixiso maantana Madera county ku dhinteen 36 Kenyan ah.

Khudbadda Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa:

"Ciidamada Kenya ee jooga Jubbada hoose iyo Gedo kama soo baxayaan". {jcomments off}

"Shabaab waa xoolo, waxay lumiyeen maskaxdoodii diinta islaamkana way ka been sheegeen, diinta islaamku waa diin nabadeed Allah waa mid naxariis leh, bulshada muslimiintuna waa kuwo howlkar ah".

"Weerarada ka dhacaya dalkeena yaan loo yaan loo arkin in cid gaar ah duulaan lagu yahay, ujeedadda laga leeyahay waa in layska horkeeno muslimiinta iyo dadka kale ee aan muslinka aheeyn".

"Dagaalkan waa mid argagixiso ma aha mid lagu qaaday JUBALEE waa inaan u wada istaagaan dhammaan Kenyanyu "

"Weeraradu waa kuwo argagixiso oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho, muslimiintuna waan in ay doorkooda ka qaataan la dagaalanka argagixisada".

Khud-badda Madaxweynaha oo dheereyd waxaan kasoo qaadanay qeybo ka mid ah.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles