MUQDISHO (Afdheer) Khamiis 4, Disember 2014. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhax jira dood laga doodayo mooshinka xukuumadda uu hoggaaminayo ra'iisul wasaare Cabdiweli. {jcomments off}
Baarlamaanka ayaa dooda kadib maalinta sabtida ah ee soo socota codka kalsoonida u qaadi doona xukuumadda.
Ilo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in Madaxweynuhu heli doono rabitaankiisa ah in la rido xukuumadda hadda jirta cod aqlabiyad lehna MAYA loogu codeyn doona xukuumadda Dr. Cabdiweli.
saadaashan ayaa lagu ogaaday in aqlabiyadda xildhibaanadu taageersan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya.
Riditaanka xukuumadda kadib waxaa la hadal hayaa 3 shaqsi oo la filaya in midkood loo magacaabi doona ra'iisul wasaare saddexdaas musharrax waxaa ka mid ah Xuseen Cabdi Xalane wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo lacagta dalka soomaaliya leh rajada ugu weyn.
MUQDISHO
info@afdheer.com
Afdheer.com