Baydhabo ( Afdheer ) Shalay oo taariikhdu aheyd 18 , Disember 2014 waxaa la shaaciyey qeyb ka mid ah golaha wasiirada maamul goboleedka koonfur galbeed dalka soomaaliya kuwaasoo ka kooban 4 wasiir.
Wasiiradda shariif Xasan Sh. Aden magacaabay iyo qabiilkooda waa kuwan:
1. Cabdiraxmaan Ibrahim Aden (sate) Wasiirka arrimaha gudaha "mirifle Xaryin".
2. Maxamed xasan fiqi
Wasiirka beeraha "Dir Biyomaal).
3. Axmed sh. Xasan (Garow)
Wasiirka Garsoorka "Digil Gare".
4. Sh. Xasan ibraahim lugbuur
Wasiirka maaliyadda "Mirifle Luwaay).
{Jcomments off}
Afhayeenka maamul goboleedka koonfur galbeed soomaaliya Siyaad Sheekh Daahir ayaa akhriyey digreetada wuxuuna sheegay in 4ta wasiir ee la magacaabay ay dabasocdaan wasiiraddii kale ee maamulku yeelan lahaa.
Shariif Xasan ayaan golahiisa wasiirada kusoo darin wasiir kasoo Jeeda beesha Daarood taasoo aan la dhayalsan karin in uu ka reebo wasiiradda soo socda.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta koonfur galbeed soomaaliya ee beesha Daarood ayaa kuu sheegaya in ay heli doonaan madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka koonfur galbeed soomaaliya sida ay isla ogolaadeen Shariif Xasan, taas oo laga yaabo inay kaligood iska dhaadhiciyeen.
Baydhabo, janaay
info@afdheer.com
afdheer.com