Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Maamul goboleedka Koonfur galbeed iyo saamiga beesha Absame.

$
0
0

Baydhabo (Afdheer) Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya magacowday guddi farsamo oo soo dhisa maamul goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya waxaa jirey loolan siyaasdeed oo ka dhaxeeya beelaha dhistay maamul goboleedka Koonfur galbeed dalka Soomaaliya maamulaas oo ka kooban gobollada Bakool, Bay iyo Shabeelaha Hoose.

Guddigii farsamada ee ugu horreeyey ayaa ka koobnaa 18 xubnood waxaan loo qeybiyey sidan hoose:{jcomments off}

Gobolka Bakool........3 xubnood

Gobolka Baay ..........4 xubnood

Gobolka Shabeelaha hoose .....11 xubnood.

18-kaas xubnood beesha Absame/Daaarood waxay ka heleen hal (1) ruux oo ahaa Maxamed Sh. Cumar kana soo jeeda degmada Yeed ee gobolka Bakool.

Baydhabo waxaa ku wada sugnaa laba ergo oo ku kala shirsanaa magaalada Baydhabo gudaheeda kuwaasoo u ololeynaayey maamul ka kooban lix (6) gobol oo kala ahaa Bakool, Baay, Shabeelaha hoose. Gedo. J/dhexe iyo J/hoose. Ergooyinka shirka kale ayaa u ololeynaayey in la dhiso maamul ka kooban saddex gobol oo kala ahaa Bakool, Baay iyo Shabeelaha hoose.

Ergooyinkii doonayey inay dhisaan maamul goboleed ka kooban saddex gobol ayaa ku guuleystay in ay aqoonsi ka helaan guud ahaan Soomaaliya iyo caalamka taageera siyaasadda Soomaaliya waxaana si kedis ah madaxweyne loogu doortay Mudane Shariif Xasan Sh. Aden oo mar noqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan wuxuu safarro la tashi ah ku tagay Muqdisho, Xuddur, Baraawe iyo Kismaayo.

Baydhabo oo ah xarunta ku MG ah ee maamul goboleedka koonfur galbeed soomaaliya waxaa ka socda Kulamo la tashi u badan si loo dhammeystiro golaha wasiirada maamul goboleedka loona dhiso aqalka baarlamaanka maamul goboleedka iyo aqalka sanadka maamul goboleedka.

Absame ergooyin ma ka joogeen Baydhabo?

Haa waxaa joogay ergooyin diyaarad iyo gaadiidba ku yimid Baydhabo oo laga soo qaaday saddexda degmo ee beeshu ku leedahay maamul goboleedkan Yeed, Ato iyo Ceelbarde.

Ma joogaan salaadiin beesha Absamne ah Baydhabo?

Haa waxaa jooga salaadiin ka mid ah salaadiinta maamulka Koonfur galbeed ee ku sugan Baydhabo waxna ka dhisay maamulkan madaxweynaha u doortay Shariif Xasan.

Ma jiraan siyaasiyiin beesha Absame ah oo la howlgala Shariif Xasan?

Haa, Waxaa jira xubnno baarlamaan sida Bare Ugaas, Cabdulwaab ugaas, Maxamed Ismaaciil, Xabso Sheekh, iwm oo wax badan kala socda maamul goboleedka KG dhismihiisii kana qeyb qaadan doona dhammeystirkiisa. waxaa kale oo maamulka Koonfur galbeed dhismihiisii iyo waliba dhammeystirkiisa si dhow ula shaqeeya wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, Xubinkii guddiga farsamada ugu jirey beesha Absame Maxamed Sheekh Cumar, Xildhibaan/wasiir hore Axmed Sheekh Maxamed iyo kuwo kale.

Xagey degaan oo kasoo galayaan doorashada beesha Absame maamulkan KG state?

Degmada Yeed waxay degmonimo qadatay Juun 1971 dii

Degmada Ceelbarde waxay degmonimada qaadatay Agoosto 1972 dii

Degmada Aato waxay degmo nimada qadatay Abriil 1990 kii

Saddexdaas degmo waxay gooni u yihiin beesha Absame waxaa kale oo beeshu degtaa awood qeybsina ku leedahay degmooyinka Xuddur, Waajid iyo Baydhabo. Tusaale degmada Baydhabo beesha Absame waxay ka degtaa gudaha magaalada Baydhabo xaafadda Bardaale oo ay gooni u degto 85%, buulo jameeco, iwm.

Beesha Absame maxay saami ka heli doontaa maamulka KG state?

Waa saadaal run noqon karta wixii soo socdana in la sii saadaaliyo ma wanaagsana hase yeeshee beeshu waxay sugeysay madaxweyne ku xigeenka 1aad ee maamulka Koonfur galbeed soomaaliya sida ilo xogo hoose lagu ogaaday Shariif Xasan wuxuu wadaa qorshe uu doonayo in uu beesha Absame siiyo 2 xubnood oo golaha wasiiradda ah.

Gabo-gabo

Beesha Absame ayaa laga rabaa inay fadhiistaan miiska wax lagu qeybsanaayo si ay u helaan wixii ay saami ugu lahaayeen maamulkan cusub ee Koonfur galbeed Soomaaliya maadaama qaabka saami qeybsiga ee wax loo qeybsado markan ay noqon doonto summad aan si fudud loo baddali karin.

afdheer.com

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles