(Afdheer) Jimce 09, Janaayo 2015. Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo dastuurka dalka soomaaliya mudane Faarax Cabdiqaadir iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku joogay dalka Turkiga.
Waftiga wasiir Faarax Cabdiqaadir waxaa ka mid ah xeer ilaaliyaha guud iyo xubno ka tirsan cadaaladda iyo arrimaha dastuurka dalka soomaaliya.
Intii ay booqashada ku joogeen waftiga Faarax Cabdiqaadir dalka Turkey waxay la kulmeen madax sare kana mid yihiin ku-xigeenka ra ' iisul wasaaraha iyo wasiirka cadaaladda ee dalka Turkiga.
Wasiir faarax ayaa dalka Turkiga uga mahad celiyey kaalmooyonka ay siiyaan dalka soomaaliya wuxuuna ka codsaday in Turkigu soomaaliya ka caawiyo ha'adaha cadaaladda iyo dastuurka si loo kobciyo aqoonta shaqaalaha wasaaradiisa lana siiyo khibrad maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee soomaaliya.
waftiga dowladda federaalka soomaaliya ee noqonaayey Turkiga ayaa dhammaystay booqashadooda.
{jcomments off}
Afdheer.com