Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Guddoomiye gobol loo magacaabay gobolka Bay oo la diiday.

$
0
0

Baydhabo-Afdheer- Maamulka Muqdisho ayaa guddoomiye gobol oo cusub usoo magacabay gobolka Bay iyagoo usoo magacaabay nin lagu magacaabo Cabdi Aden Hoosow.

Magacabistan waxaa gaashanka ku dhuftay guddoomiyihii gobolka bay Cabdifataax Geeseey oo muddooyinka dambe ahaa gudoomiyaha gobolka Bay kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacaday Baydhabo oo lagu dooranayey cidda qabaneysa xilka guddoomiyaha gobolka Bay.

Cabdifataax Geesey ayaa maamulka laga soo magacaabay Xamar ku sheegay in aan waafaqsaneyn dastuurka dalka isagoo tixraacay haddal uu Baydhabo ka jeediyey madaxweynaha Soomaaliya isagoo yir " dadku iyagaa wax soo dooranaya ma jiro ruux looga soo magacaabayo Muqdisho".

Guddoomiyaha cusub ee la soo magacaabay ayaa la sugayey maalmahan kadib wafti wasiiro ah oo ka noqday Baydhabo maalmo ka hor.

Isla wareegtadan waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha degmada baydhabo oo loo magacabay Xasan Macalin oo lagu naaseyso BIIKOLO.

Waraaqda baddelka ayaa la sheegay inuu saxeexay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya prof. Maxamad Cismaan Jawaari iyo Wasiira Arrimaha gudaha iyo Abniga Cabdikariim Xuseen Guuleed.

{jcomments off}


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles