Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Luul Cali oo sheeganeysay in la kufsaday iyo werihii wareystay oo la xukumay.

$
0
0

Muqdisho (Afdheer) Luul Cali Cismaan oo ah gabadha la kufsaday ayaa lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah, xarigaas oo xaakumka xukumay u cuskaday been abuur sida uu sheegay xaakimku.

Gabadha sheeganaysay in la kufsaday xeer illaalintuna kusoo oogtay inay been abuur sameysay ayaa wadata ilmo yar oo la sheegay inay nuujineyso.

Qodobadda loo cuskay ayuu xaakimku ku-sheegay inay yihiin xeerka ciqaabta iyo shareecadda Islaamka waxa ay ka qabaan been abuurka.

Weriye cabdicasiis cabdinuur Ibraahim (Koronto) oo ah weriyaha gabadha la kufsaday wareystay ayaa isna lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah  isagoo lagu eedeeyey inuu galay guriga gabadhaas iyadoo uusan u idmin ninkii qabay gabadha.

Dadweynihii tagay goobta maxkamadeyntu ka socotay ayaa markii uu dhammaaday xukunkii waxay ay u muuqdeen qaar ka xumaaday xukunkaas iyo kuwo u riyaaqay.

Si kastaba ha ahate, dad badan oo Soomaali ah ayaa u arka in kiiskan aan si daacad ah loo abaarin bilowgiisii kadib markii weriye ka socday Aljazeera ay weriysi siisay Gabadh sheegtay inay kufsadeen 7 askari.

Muqdisho

Afdheer.com

info@afdheer.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles