Ujeedada qormadan waa daahfur iyo is dultaag, hadba qodobkii loo arko inuu mudan yahay in daaha laga rogo. Is dhaafsiga doodaha iyo dareenwadaaga bulshada waxaa dib loogu xasuustaa doldoloolada jira. ————————--
Qormadeena maanta waxaan ku soo qaadan doonaa: "Waxbarashada Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose".
Waxaa jira degmooyin iyo deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland oo aan laheyn daryeel waxbarasho, sida degmada Dhobley.
Dhoobley waxaa ku dhaqan dadweyne soomaaliyeed oo aad u tiro badan, waxaa soo dul dagay qaar ka yimid daafaha dalka oo ay duruuf kentay.
Mar aan socdaal ku soo maray bartamihii sanadkii hore, (2012), waxaan ku soo arkay dayacaad dhanka tacliinta ah.
Degmadan ma laha dugsiyo iyo xarumo tacliin toona, da'yarta ku dhaqan waa deyro iyo waxaan dhaamin nolol duug, darsin yar oo kamid ah ayaa loo diraa deegaano fog fog, sida degmada Afmadow, Kismaayo ama dalka Kenya oo deris la ah, waa ciddii awodo ama ay duruufta u saamaxdo.
Dhinaca kale waxaa jira, Hay'ada ka howlgala deegaanada Jubboyinka, gaar ahaan degmada Dhobley, inta badan daadihiyayaasha Hay'adahan waa dad u dhashay deegaanka.
Hay'adahan oo dhammaantood samafalayaal ah ayaa isugu jira international iyo local, islamarkaana ka howlgala guud ahaan gobollada Jubooyinka gaar ahaan degmada Dhobley oo inta badan saldhig u ah ama ay ku sii hakadaan inta aysan u gudbin deegaanada kale ee gobolka.
Hay'adahan waxaa ka mid ah:
a:- UNHCR
b:- ARC
c:- SAWA
d:- SOLIDARITIES INTERNATIONAL
e:- WAAMO RELEIF AND REHABILITATION SERVICES (WRRS)
f:- AGENCY FOR PEACE AND DEVELOPMENT (APD)
g:- AFRICA RESCUE COMMITTEE (AFREC)
h:- WAJIR SOUTH DEVELOPMENT AGENCY (WADA)
i:- SOMALI AID FOUNDATION (SAF)
iyo qaar kaloo badan.
Guud ahaan diiwaanada Hay'adahan waxaa ku qoran waxqabad ballaaran iyo mashaaric kala duwan oo ay dadka deegaanadaas ku daryeelaan, sidoo kale waxaa u qoran boqolaal shaqaalo ah, laakiin marka dib loo raacdo, waxaa soo baxaya wax ka duwan waxa diiwaanada ku qoran, mana jiro waxqabad muuqda oo ay indhahaagu qabanayaan!.
Inta badan dalalka, Hay'adaha iyo shakhsiyaadka deeqaha bixiya ayaa ah amaba ku sugan deegaano fog fog, sida dalalka reer galbeedka, waxana sahlan in loo diro diiwaano been ah.
Gunaanad
Doodeydu waxay tahay: Dareen ka weyn miyaa jira dugsi la'aan? In la adeegsado magaca dadweynaha, danahoodana la halmaamo, sow dulmi ma aha, maxaa-se helay dadkii deegaanka?
Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com
{jcomments off}