kismaayo- 10 Kii sebtember 2015 ayuu madaxweyne Axmed- madoobe ka sheegay kismaayo in toban xildhibaan lagu kordhiyey baarlamaanka Jubaland
10ka xubnood ee lagu daray baarlamaanka ayaa la sheegay in ay u badan yihiin beelaha raxaweyn iyo Hawiye.
Madaxweynaha dowladda federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaaraha Dowladda federaalka mudane CCC sharma'arke ayaa labaduba baddalay mowqifkoodii Jubaland waxayna bilaabeen inay la shaqeeyaan dowlad gonoleedka Jubaland kadib markii ay IGAD si buuxda u taageereen maamulka Jubaland.
xildhibaanada beesha Absame inta taageerta Jubaland ayaa ka noqday mooshinkii madaxweynaha heshiiskii faarax cabdiqaadir kadib.
12 bishan oo beri ah waxaa la filayaa in ay Kismaayo iman doonaan labada gole ee dowladda federaalka iyagoo ka mid noqon doona wafti tagaya kismaayo si ay uga qeybqaataan caleemasaarka madaxweynaha Jubaland.
{jcomments off}
afdheer.com