DHADHAAB: Toddobo qof ayaa dhimatay 541 kale waxaa la dhigay xarumaha caafimaadka kaddib markii cudurka daacuunka uu ka dillaacay xeryaha qaxootiga Dhadhaab gaar ahaan xerada lagu magacaabo Dhagaxley.
30 boqolkiiba dadka uu cudurka soo ritay waa carruur ka yar 12 sano, sida ay sheegtay hay’adda dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF, taas oo xustay in roobab xooggan oo ka da’ay deegaanka iyo nadaafadda oo xun ay door ka qaateen faafidda cudurka.
“Roobabka ayaa uga sii daraya xaaladda nadaafadda oo horeyba u liidatay,” ayuu yiri Charles Gaudry, oo ah madaxa howlgallada MSF ee dalka Kenya.
Charles ayaa sheegay in tirada bukaannada la jiifinayo xarumaha caafimaadka ay sii kordhaysay tan iyo toddobaadkii tegay, iyadoo carruurtu ay yihiin kuwa ugu badan ee cudurku saameeyay.
Cudurka daacuunka ayaa ka dillaacay qeybo badan oo ka tirsan dalka Kenya tan iyo horraantii bishan.
Hay’adda UNHCR iyo kuwa kale ee ka shaqeeya samafalka ayaa xarumo lagu daaweeyo bukaannada cudurkan ka furay Dadaab.
{jcomments off}
Xigasho: Barkulan.com