Waa qoraal ku celis ah si akhrituhu u barto macluumaad dheeri ah oo ku saabsan barashada degmooyinka Yeed, Ceelbarde iyo Aato.
------------------------------------------
Muqdisho, isniin 29. September 2014, Magaalada Muqdisho waxaan ku arkay masuul ka mid ah madaxda gobolka Bakool Laguna magacaabo Warsame Dhoofaan Dhaqane.
Masuulkan waxaan ka qoray warbin dheer oo ku saabsan taariikhda gobolka Bakool gaar ahaan taariikhda degmooyinka Yeed, Ceelbarde iyo Aato.
1960-kii xorriyadda dalka Soomaaliya kadib.
Gobolka Jubbada sare ayaa la isku dhihi jirey Bay, Bakool iyo Gedo gobollada hadda loo yaqaanno waxaa laga xukumi jirey Baydhabo.
markaas jubbada sare waxay aheyd degmooyinka Baydhabo, Xuddur, Baardheere, Luuq iyo Buurhakabo.
1971-dii ayaa la kala qeybiyey jubbada sare waxaana laga dhigay 2 gobol oo kala ah Bay iyo Bakool, Bakool waxaa degmooyin qaatay 6. 1971:
1. Yeed
2. Waajid
3. Tiyeegloow
Xuddur oo ah xarunta gobolka Bakool sidaas Gobolku wuxuu ku noqday 4 degmo.
1972-dii waxaa la kala qeybiyey gobolkii Bay waxaana laga dhigay Bay iyo Gedo, isla sannadkaas waxaa degmonimo qaatay 8. 1972:
1. Ceelbarde
2. Saakoow
3. Diinsoor
4. Beledxaawo
5.Ceelwaaq
6. Garbahaareey
Degmada Garhaareey oo markaas qaadatay degmonimo ayaa magaalo madax looga dhigay gobolka Gedo.
GOBOLKA BAKOOL:
----------------------------------------------
1960-kii xorriyadda Soomaaliya waxaa laga soo doortay Sh. Maxamed Aden Coomeey, Sh. Mukhtar iyo nin kale oo aanan xasuusan magaciisa ( 1 MP cowlyahan 2 MP Hadame).
1964-tii doorashadii Bakool waxaa kazoo galay Bare Ugaas Geedi, sh. Mukhtaar, sh .. Mukhtaar-jiroon ( 1MP cowlyahan iyo 2 MP raxaweyn)
1968-dii waxaa Bakool kasoo galay Bare Ugaas Geedi, Aden Diiriye, sh. Mukhtaar, Mad Guudoow ( cowlyahan, majeerteen (buraashadleey) iyo 2 raxaweyn ah hadaan si kale u dhaho 2 daarood 2 raxaweyn).
Yeed:
Yeed degmonimo waxay qaadatay bishii Juun, 1971-dii waxay xuduud la leedahay:
Koonfur- Waajid
Galbeed- Luuq
Waqooyi- DDS Itoobiya
Bari - Xuddur
Waqooyi Bari - Ato iyo Ceelbarde
Tuulooyinka:
Ceelgaras, diidocanaani, qooneey, shimbiro, dhuureey, gorayaale, xabow, washaaqo, Allamo, darmaajiid, qorofdhurwaa, dhamaajaaleey, dhax-xirleey, ceel-la-Helay, qoracleweyne, rabdhuure, boodaan, wardhutileey, lagalaay, gubato, ceel ka-riigga, iwm.
Guddoomiyaha degmada ee maanta waa cabdicaziis cabdullaahi loxos ( Yariisoow )
FG: marka laga soo gudbo qoraalkan hore hadda waxaa Yeed guddoomiye degmo ka ah Maxamuud Faaqid.
------------------------------------------------------------
Ceelbarde:
Ceelbarde waxay degmonimo qaadatay bishii Agoosto, 1972 waxayna xuduud la leedahay:
koonfur- xuddur
Galbeed- DDS Itoobiya
waqooyi- Qalaafe
Bari - Baledweyne
Tuulooyinka:
Baadikeen, cagey, abeesaale, ceelmagad, qoracjoome, dhagaxtuur, fikta, ceelkuusoow, buq, salkudhooble, waryaan, haarcad, habareey, ceeldheere, laheloow, garidab, ceelcaano, ceel-Cali, huluul, wariira, hiire, biyofadhi, oondheere, lawareeg, daanshood, bambaar, dhabariig, ceeldheere, dhaxkabood, cayeeya, dhoobaale, iwm.
Guddoomiyihii ugu horreeyey ee degmad ceelbarde 1972-dii waxaa la dhihi jirey maxamed faarax duqii magaalada ee ugu horreeyeyna wuxuu ahaa Cabdi Xalane.
Guddoomiyaha degmada ceelbarde ee hadda waa cabdirasaaq Ibrahim cumar.
-------------------------------------------------
Aato:
Aato 14.04.1990-kii ayaa degmonimo loo magacaabay waxayna ka mid aheyd degmooyin badan oo hal mar la magacaabay kana mid ahaayeen degmooyinka maxaas, moqokori, balanbal, guriceel, iwm. Waxay xuduud la leedahay.
koonfur- xuddur
Galbeed - Yeed
Waqooyi- DDS Itoobiya
Bari -Ceelbarde
Tuulooyinka:
Shimbiraale, ganoweyn, lahelow, cabdigaabyo, tagaabeeye, mirowle, kolomey, lamagalaay, Faraq, buurcaliyow, ceelcade, balibulxan, jiifteey, iwm.
Guddoomiyaha degmada Ato Xasan Dubad.
Saddexdan degmo dhaqaalahooda waxaa ugu muhiimsan xoolaha nool, xabagta iyo beeraha xilli roobaadka.
Qoraalkan waxaa diyaariyey
DC
{Jcomments off}