Cadaado (afdheer) Madaxweynaha maamulka Galmudug Dr. Cabdikariim Guuleed ayaa sheegay inay maamulkiisa baahida ugu weyn ee ay qabaan ay tahay in la helo il dhaqaale.
Guuleed wuxuu sheegay in loo baahan yahay Deked, wuxuuna sheegay in bartamaha Soomaaliya ku yaalaan oo istiraatiiji ah kuna wanaagsan ganacsi dhinac walba ah.
Guuleed wuxuu yiri dhismaha Dekedda yaan lagu haleynin ganacsatada oo kaliya ruux walba ha ka qeyb qaato.
Maamulka Galmudug wuxuu ka kooban yahay gobol iyo badh wuxuuna leeyahay maamul dhammeystiran sida baarlamaan, gole wasiiro, iwm.
{Jcomments off}
info@afdheer.com