Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Horumarinta Jaamacadda Kismaayo iyo jaaliyadda Soomaalida ee Daraaman dalka Noqray.-VIDEO

$
0
0

Xaflad lagu soo bandhigay waxqabadka iyo baahida Jaamacadda Kismaayo ayaa lagu qabtay Xalay magaalada Draaman ee dalka Norway xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas.

Sh. Xasan Mursal ayaa ka warbixiyey taariikhda Jaamacadda Kismaayo iyo in loo baahan yahay in laga caawiyo baahida ay jaaliyadda ku dhaqan dalka dibadiisa iyo gudahiisaba usoo gudbiyeen.

Qaar ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladaas ayaa ka hadlay warbixintaas ka dib waxayna dhammaantood ballan qaadeen inay garab istaagi doonaan mashruuca horumarinta Jaamacadda Kismaayo si la mid ah sidii ay hore ugu garab istaageen qaar ka mid ah jaamacadaha dalka Soomaaliya.

Sawirada kore waa howlwadeenada shirkaas sawir ay iska qaadeen markii ay xafladu dhammaatay.

{youtube}Wfa6G9lj4Og&feature{/youtube} {jcomments off}

Xubnihii goobta ka hadlay ayaa ugu dambeyn u mahadceliyey gabadh da`daal dheer u gashay sidii jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta Jaamacadda Kismaayo gabadhaas oo lagu magacaabo Sacdiya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles