Kismaayo (Afdheer) Wasiirka arrimaha bulshada Jubaland Macalin Maxamed Ibraahim ayaa ka badbaaday galabta isku dil lala samacsanaa kadib markii baabuurkiisa khaaska ah loogu xiray walxo qarxa.
Sida uu sheegay wasiirku baabuukiisa khaaska ah ayaa miino loogu xiray inta uusan fuulin baabuurka ayey baaris ku ogaadeen ilaaladiisu.
Wasiirka ayaa sheegay in uu ahaa qarax lala damacsanaa oo baabuurkiisa loogu xiray lana fashiliyey oo aysan jirin cid wax ku noqotay.
Macalin Maxamed isku daygan uu ka badbaaday wuxuu ku eedeeyey kooxahii ragarqayaasha uu dagaalku ka dhaxeeyey wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ilaa ay ka guuleysanayaan oo laga ciribtirayo.
Waxaa jira dad loo qabtay kiiskan oo ay ku jiraan 2 ilaaladiisa ka mid ah oo su'aalo la weydiinaayo.
Baabuurka sida wasiirku sheegay wuxuu yaalay.meeshii la dhigi jiray gurigiisa.
{Jcomments off}
Afdheer.com