Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Xasan Sheekh: Markii 180 ama 200 oo wiil hal subax la dilo wax yar ma ahan.

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ka geysatay deegaanka Ceel-cadde bishii hore lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Wareysi uu siiyey telefishanka Somali Cable ayuu kaga hadlay dhaliilo loo soo jeediyey oo ku aaddanaa sababihii uu uga qeybgalay baroordiiq loo sameeyey askarta ku dhimatay Ceel-cadde.

Wuxuuna madaxweynuhu sheegay in taasi ay aheyd mid ay ku muujinayeen in ay ka xun yihiin dhibaatada gaartay askarta Kenya.

”Markii 180 iyo jar jar ama 200 in ku dhow oo wiil oo Soomaaliya loo soo diray oo sababta loogu soo diray in ay Soomaaliya nabad ka keenaan, ku saacidaan dadka Soomaaliyeed  nabad in ay helaan, ay aheyd hal subax la dilo, howl caadi  iyo dad ajinabi ah ayaa dhintay ma ahan”, ayuu ku yiri wareysiga lala yeeshay madaxweynaha.

Dhan kale taliska ciidamada difaaca Kenya oo horay uga gaabsaday in uu shaaciyo tirada askarta lagu dilay weerarkii Ceel-cadde ayaa beeniyey in ay jirto tirada ciidamada ee uu shaaciyey madaxweynaha in ay dhinteen.

Afhayeenka ciidamada David Obonyo ayaa sheegay in aysan jirin tiro intaas la’eg oo ay wax gaareen.

 

{Jcomments off}

Xigasho : Barkulan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles