Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Golaha wasiirada Jubaland oo lagu dhawaaqi doono todobaadkan.

$
0
0

Afdheer  (Afdheer) Maalinta Isniinta ama Talaadada soo socota waxaa la magacaabi doonaa qeyb ka mid ah golaha wasiirada Jubaland.

Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubaland ayaa la filayaa inay gaari doonaan laba jibbaar golihii hore ee wasiirada Jubaland.

Waxaa jiri doona xubno ka mid ah wasiiraddii hore ee dowlad goboleedka Jubaland oo dib ugu soo laaban doona golaha cusub.

Xubnahaas waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha bulshada Jubaland Macalin Maxamed Ibraahim oo lagu wado inuu qabto wasaaradda abniga iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo  abniga Jen. Darwiish oo wasiir ka noqon doona wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasiirada cusub ee Jubaland inta badan waa xubno ku cusub golaha wasiirada.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland waxaa u taagan saddex musharrax oo ka soo jeeda gobolka Gedo, waxaase la filayaa in mar labaad uu noqon doono Jen. Cabdulaahi-Fartaag.

La soco faahfaahin dheeri ah. ...

{Jcomments off}

Afdheer.com

Info@afdheer.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles