Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

ICC oo Tuurtay Eedeymihiii William Ruto

$
0
0

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, ayaa tuurtay eedeymihii ku saabsanaa dambiyada bani aadannimo ee ka dhanka ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto.{jcomments off}

William Ruto oo fadhiya maxakamadda, May 14, 2013.

Maxkamadda ICC ayaa maanta sheegtay in garsoorayaasha ay cod 2-1 ah isugu raaceen in la baa bi’iyo eedeymihii ka dhanka ahaa Ruto iyo ninka la eedeysan ee Joshua Arap Sang.

Ruto ayaa waxaa loo haystay inuu mas’uul ka ahaa ficillo dil, dad si qasab ah lagu daad gureeyey iyo dad la caburiyey, intii ay socdeen rabshadihii Kenya ka dhacay 2007 illaa 2008 ee ka dashay doorashadii madaxtinimo ee dalkaas.

Sang oo madax ka ah Radio ku yaalla Kenya ayaa sidoo kale lagu eedeeyey dambiyo kuwaas la mid ah.

Qiyaastii 1,100 qof oo Kenyan ah ayaa lagu dilay rabshadahii Kenya ee isirka ku saleysnaa oo ka dhashay muranka doorashada.

Madaxweynaha Kenya Uhrru Kenyatta ayaa sidoo kale maxkamadda ay kusoo oogtay eedyemo ku saabsan inuu rabshado huriyey, hase yeeshee waxay la noqotay bishii Maasro ee 2015.

 

Xigasho: VOA laanta afsoomaaliga


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles