Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Beesha Reer AwQudub oo u kala harin cambareynta Abdirahman Dheere oo Suldaankodi ku beddeshay suldaan been abuur ah oo aan u dhalanin Reer AwQudub

$
0
0

MUQDISHO: Odayaasha, Culama Udiinka, iyo dhallin yarada Beesha Reer AwQudub oo shir balaran ku yeshay magaalada Muqdisho aya si adag uga hor yimid qorshaha Abdirhamaan Kulmiye oo loo yaqaanno Abdirahmaan Dheere, Faarax Cabdiqaadir iyo Xasan Sheikh iska kaashadeen oo beesha AwQudub Suldaankoodii soo jireenka ahaa looga tiray liiska suldaamada soo xuli doona ergada dooranaysa Xildhibaannada Barlamaanka cusub.

Dhamaan odayaasha beesha waxay wacad ku mareen in Abdirahman Dheere usan dib dambe ugu soo noqonin baarlamaanka cusub oo ay soo dooran doonaan xildhibaan kale oo ku matala beesha golaha baarlamaanka cusub.


Beesha Reer AwQudub oo isku duuban waxay dacwad ka dhan ah Abdirahman Dheere iyo Dam-Jadiid u direen Dhamaan madaxda DFS, madaxda Dowlad-Goboleedyada, IGAD, UN iyo Beesha Caalamka ayaga oo ka codsaday in Suldaankooda Suldaan CabdiCaafi Suldaan Cabdullahi Suldaan Mohamed Khalif lagu daro liiska suldaamada soo xuleysa ergada dooran doonta xildhibaanada barlamaanka cusub.

Waxay codsi kaas la mid ah u direen dhammaan shacabka Somaliyeed iyo qurbajoogta ka soo jeeda beesha in ay gacan ka geystaan sidii dulmigaan Abdirahman Dheere iyo Dam-Jadiid looga adkaan lahaa iyo sidii beesha Reer AwQudub ku heli lahayd xaqooda.

{youtube}epKxGwagi4M{/youtube}{jcomments off}

https://www.youtube.com/watch?v=epKxGwagi4M

faatuma.cumar@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles