MUQDISHO (afdheer) Shir MUQDISHO uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha gobolada ayaa lagu heshiiyey in dib u dhac ku iman karo xilliga loo xadiday inay qabsoonto doorashada Soomaaliya.
Doorashooyinka waxaa ugu horeysa midda aqalka sare ( senetors ) waxaana la sheegay inay qabsoomi doonto 25.09.2016.
Doorashada xitaa waa doorashada aqalka hoose (MP) kadib waxaa ka dooranayaa guddoomiyaha aqalka baarlamaanka iyadoo 25.10.2016 lagu soo gabagabeyn doono doorashada madaxweynayaasha dowladda federaalka dalka Soomaaliya.
Shirka ka socda MUQDISHO ayaa ah mid ay madaxda dalku ku xaqiijinayaan habsami u socodka doorashada qaran ee dalka 2016.
{jcomments off}
Faafin: Afdheer.com