Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Dhadhaab oo la gaadhsiiyey korontada dalka Kenya.

$
0
0

dhadhaab (afdheer) degmada dhadhaab ee Garissa county ayaa beri oo isniin ah laga furi doonaa quwadda korontada dalka Kenya oo la gaarsiiyey lana dhammeystiray dhismaheeda iyo qalabkeedii.

waa markii ugu horreysay oo electric power casri ah ay wasaaradda qaabilsan gaadhsiisay degmada dhadhaab korontada waxaana hore looga isticmaali jirey degmadan matoor nal.

Mashruucan korontada ee laga hirgaliyey dhadhaab waxaa xarigga beri ka jari doona madax ka socota dowladda dhexe iyo ismaamulka Garissa.

Sidoo kale waxaa jira mashaariic laga fuliyey dhadhaab oo isla beri xarigga laga jari doono. Garissa governor ayaa la filayaa inuu beri degmada dhadhaab ku wareejiyo school Buss iyo dab damis.

Korontadan casriga ah ayaa loo gudbin doonaa Liboi oo ah magaalo weyn oo ka mid ah Garissa county.

faahfaahinta mashaariicda diwladda Kenya ka hirgalisay degmada dhadhaab kala soco wargeyskan.

{jcomments off}

afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles