Muqdisho (Afdheer) Dowladda Soomaaliya ayaa shalay mamnuucday keenista Qaadka waxaana la joojiyey gabi ahaanba duulimaadyadii diyaradaha Jaadka.
Magaalada Muqdisho caasimadda dalka Soomaaliya waxaa maalin walba iman jirey Qaad badan oo lagu keeno diyaarad weyn oo ka soo duuli jirtey Kenya.
Qaadka ay diyaradaas keento waxaa qaadi jirey diyaarada yaryar oo aadi jirey gobolada dalka laguna qaadi jirey qaadkaas.
Gabi ahaanba waa la joojiyey ama la hakiyey Khaat dalka Soomaaliya talaabadaas lagu mamnuucay Qaadka waxaa laga soo dhaweeyey guud ahaan dalka Soomaaliya maadaama Qaadku yahay mukhaadaraad khatar ku ah nafta iyo maalka.
Malaayiin lagac ah ayey Soomaalidu ku bixisaa soo iibsashada Qaadka waxaana laga faa`idaa caafimaad darro, qoys burbur, dhaqaale burbur, shaqo la`aan, iwm.
Dowladdii Kacaanka ee Marxuum Maxamed Siyaad Bare ayaa bilowgii sideetamaadkii mamnuucday keenista, ka ganacsiga iyo cunista Qaadka kadib markii la ogaaday khatarta caafimaad iyo dhaqaale ee uu leeyahay Khaatku.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in uusan khuseynin mamnuucidda Qaadka garoomada Somalilanna ka soo degi karaan.
Qaadka taga Somaliland waa Qaad ka taga Itoobiya oo mara dhulka marka laga reebo diyaarad Qaad geysa magaalada Laascaanood oo ka timaada Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucista Qaadka ku sababeysay arrimo abni daro waxaase jira inuu xun yahay xiriirka labada dal laga soo billaabo muranka dhul badeedka Koonfurta Soomaaliya iyo Kenya oo diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada ku leexisa garoonka Wajeer taasoo ay madaxda dowladda Soomaaliya muddo badan kala hadleen dalka Soomaaliya hase yeeshee weli diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada lagu hakiyo Wajir Airport.
Faafin: Afdheer.com
info@afdheer.com