Kismaayo (Afdheer) Ciidamo xaruntoodu tahay magaalada Kismaayo ayaa gaaray tuulooyin hoos yimaada degmada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose.{jcomments off}
Ciidamadan ayaa tagay Cabdile-biroole kadib markii ay isaga baxeen malayshiyada Shabaab oo hore ugu sugnaa sidoo kale ciidamada ayaa tagay tuulada Buulo-guduud oo isdoo kale uusan wax dagaal ah ka dhicin.
Tuulooyinkan ayaa la sheegay inay si nabad ah kula wareegeen ciidamada ka tagay xarumahoodii Kismaayo.
Lama oga inta ay joogi doonaan tuulooyinkan ciidamada tagay waxaana suurgal ah inay dib ugu soo laaban doonaan saldhigyadoodii sida caadiga ah dhowr jeer oo horena howlgallo noocan oo kale ah ay ku tageen ciidamadu deegaano hoos yimaada degmada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose.
Ciidamada howlgalkan sameeyey ayaa isugu jira kuwa Soomaaliya iyo ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM ka jooga Kismaayo.
info@afdheer.com
afdheer.com