MUQDISHO (afdheer) Ra'iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya mudane Cumar Carte Qaalib ayaa lagu daray madaxda sare ee go'aamineysa aayaha mustaqbalka dalka Soomaaliya.
Ku darista Cumar Carte hoggaanka madasha waxay ka dambeysay cabasho beryahan jirtey oo ay reer waqooyigu ku hanjabeen inaysan aqoonsan doonin una hoggaansami doonin go'aanada madasha haddii aan laga qeybgalin wadahadalka.
Beesha caalamka ayaa ugu dambeyn soo jeedisay in xubin lagu kordhiyo hoggaamiyeyaasha madasha.
Shirka madaxda Soomaaliya ayaa socda maalintii 4aad waxaana laga wadahadlayaa qaabka ugu haboon ee ay u dhici karto doorashadu, waxaa jira soojeedin weli taagan oo ku saabsan aqalka sare iyo gobolka Banaadir.
Qaar ka mid hoggaamiyeyaasha madasha ayaan ku qabacsaneyn dhismaha aqalka sare iyagoo u arka in beesha Daarood ka heleyso xubno badan aqalkaas.
{jcomments off}
Faafin: afdheer.com