Muqdisho (afdheer) Xukuumadda cusub ee laga sugayo ra`iisul wasaare Kheyre ayaa la filayaa inay yeelan doonto gole wasiiro tiro badan iyadoo la qancinaayo beelaha Soomaaliyeed.
Awood qeybsi iyo dib u heshiisiin darteed ayaa la sheegay in loo magacaabi doono gole wasiiro ka badan 50 rag iyo dumar isugu jira. Awood qeybsiga beelaha ayaa laga dhigay 5 beeleed waxaana warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in beel waliba heli doonto 5-6 wasiir.
Xukuumadda cusub ayaa la rajeynayaa in la shaacin doono caawa saq dhexe ama aroornimada beri oo Arbaco ah.
{jcomments off}
Faafin: afdheer.com