Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Xildhibaanada Jubaland oo nairobi siminaar loogu xiray.

$
0
0

Nairobi (afdheer) Qaar ka mid ah xildhibaanada dowlad goboleedka jubaland oo uu hoggaaminaayo Afhayeena aqalka baarlamaanka Jubaland Sh. Cabdi muddana siminaar ku qaadanayey Nairobi dalka Kenya ayaa maanta loo xiray siminaarkii.

Xafladda xiritaanka siminaarka waxaa ka qeybgalay oo xiray madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islam ( Sh. Axmedmadoobe).

guddoomiyaha baarlamaanka Jubaland oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay intii uu socday siminaarkan in ay ka faa'iideysteen kana kororsadeen aqoon fiican oo anfacaysa.

Madaxweynaha Jubaland oo siminaarkan u xiray qaar ka mid xildhibaanada qaatay koorsadan ayaa ku ammaanay xildhibaanada inay si fiican uga qeybqaateen siminaarkan wixii ay ka barterna kula noqdaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland intii uu joogay Nairobi wuxuu la kulmay guddoomiyaha aqalka baarlamaanka Nairobi county iyagoo is weydaarsaday agab hidaha iyo dhaqanka jubaland state iyo Nairobi county.

Xafladdan xiraanka siminaarka waxaa ka soo qeybgalay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ambassador Jamaal iyo madax kale.

{jcomments off}


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles