Kismaayo (Afdheer) Ra`iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cumar cabdirashiid oo ku sugan Kismaayo ayaa si weyn u taageeray shirka maaumul u sameynta jubalaan isagoo ka qeybgalay shirweynaha state-ka lagu dhisayo ee ka socda jaamacadda Kismaayo.
Dr. Cumar ayaa sheegay in uu xukuumadda Soomaaliya kala taliyey arrimaha jubalaan hase yeeshee ay ku kala aragti duwan yihiin, wuxuuna raaciyey baaq uu u diray dowladda Soomaaliya si ay u taageerto maamul goboleedkan.
Dhanka kale, Ra`iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu taageersan yahay in ay gobollada dhisanaya jubaland state ay xaq u leeyihiin maamul goboleed hoos taga dowladda federaalka ah ee dalka Soomaaliya.
Taageerada ay ra`iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya ku taageereen jubaland state ayaa guul ugu filan shirweynaha jubaland state, waxaana muuqata in ay dowladda Soomaaliya ka gaabisay tixgalinta rabitaanka reer jubaland.