Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Calanka jubaland oo la suray xaflad iyo damaashaad socda.

$
0
0

Kismaayo (Afdheer) Xaflad laga soo shaqeeyey laguna maamuusayo maalinta calansaarka oo ah astaanka labaad ee uu yeeshay maamul goboleedka jubaland state ayaa bacda salaaddii duhur ka bilaabatay jaamacadda Kismaayo.

Munaasabadda calan saarka waxaa kasoo qeybgalay dhammaan ergooyinka shirweynuhu uga socdo jaamacadda KIsmaayo, madaxda maamulka Kmg ah ee jubaland, xildhibaannadii ka yimid Muqdisho, Xildhibaanaddii hore usii joogay Kismaayo, Xildhibaanno iyo ganacsadayaal ka yimid maanta Nairobi, Wafti heer golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka Puntland iyo dad kale.

Calanka jubaland oo lasoo xardhay ayaa laga furfuray dabool ku dahaarnaa kadibna la suray birta calanka wuxuuna ka dul babaday hawada Kismaayo markii ugu horreysay.

Guud ahaan abniga Kismayo waa la adkeeyey waxaana lagu mashquulsan yahay soo dhaweynta ergooyinka kasoo degaya garoonka Sayid Maxamed ee magalada Kismaayo iyo xuska maalinta calanka jubland oo si weyn loo soo agaasimay.

RAAGE

info@afdheer.com

afdheer.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles