Adhis Ababa (Afdheer) Cali Bashiir (Cali Dhaanto) wuxuu ahaa boqorkii codka ee ku caan baxay dhaantada noocyadeeda kala duwan aadna looga jecelyahay dalka iyo dibadiisaba lama oga meel uu jaan iyo cirib dhigay in kastoo ay dadka qaar kuu sheegayaan inuu joogo Jigjiga.
Cali dhaanto wuxuu soo caanbixiyey dhaantada noocyo badan oo loo tumo wuxuuna ahaa shaqsi khibrad u leh qaab cayaareedka, qaab dhismeedka jirkiisa iyo jiibta dhaantada oo ah cayaarta ay Soomaalida Ogadeeniya dhaqanka u leeyihiin inay ka cayaaraan xilliyada xafladaha iyo munaasabadaha ciidda.
Cali Bashiir wuxuu safar ku tagay Kenya Nairobi wuxuuna ku noolaa muddo gaaban dib wuxuu ku noqday xarunta dowlad deegaanka Soomaalioda Itoobiya ee Jig-jiga.
nala daawo dhaantooyin uu dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka cayaaray Cali-dhaanto.
{youtube}B3JLlhWH4yA{/youtube}
Gacmo leedooy si gobba gaardi ma u tumanaayee- dhal gobeedoow garbay nagu tahay ....
{youtube}6tHLFmJ3YxQ{/youtube}
Yarta dheereey hadaad dhuunta mari laheyd sida dheeftaan caloosha ku dhigan lahaa
{youtube}XP865QkV_Cc{/youtube} {jcomments off}
Kaan jeclaayeen u jeeloow ma wardheer baad jirtaayee, jinow oon ila joogin miyaan jiifsan karaayeeeee
{youtube}oNmPKqKOlBU{/youtube}
Labashilindi iyo laas-xareeda degnee luuley ila carrooow, laafyahiyo jidhkaad ku lamaantahaye.
Cod kaliya goormaa kuugu dambeysay isagoo cayaar ka dheelaya ...?