Cali Maxamed Geedi oo ku sugan Nairobi ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan Xasan daahir Awees oo ku xiran Muqdisho wuxuuna sheegay in uu Xasan daahir cafis weydiisto ummadda Soomaaliyeed, dowladda iyo inuu caddeeyo inuu ka tanaasul wixii uu aaminsanaa intaas kadib cafis loo fidiyo.{jcomments off}
Dowladda Soomaaliya ayuu ku dhaliilay inay hor istaageyso rabitaankii shacabka iyo sharcigii dalka ee ahaa in dalku yeesho maamulo federaal ah sida Jubaland oo laga sameeyey maamul ay dadku doorteen, wuxuuna taageeray go`aankii ay Puntland ku gaadhay inay hakiso la shaqeynta dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.
"Dowlad iyadu mucaarad abuuraneysa dowladda uu Xasan Sheekh hoggaamiyo ka hor ma arag" sidaas waxaa yiri prof. Cali Maxamed Geedi
{youtube}H6g9korE40k{/youtube}