Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Faallo: 120 maalmood kadib dowladda Garissa County.

$
0
0

Garissa (Afdheer) 28.8.2010 dalka Kenya wuxuu qaatay dastuur cusub kaas oo iminka lagu xukumayo dalka,  dastuurka ayaa dalka u qeybiyey 47 dowlad goboleed oo si gooni gooni ah isu xukumaya 04.03.2013 waxaa dalka Kenya ka dhacday doorashadii ugu horreysaay ee abid nooceedu ka dhacda Kenya waxayna dadka Kenyanku doorteen 6 xubnood oo awoodooda lagu qeexay dastuurka.

Doorashada madaxweynaha dalka Kenya waxaa ku loolamay labada xizbi ee JUBILEE iyo CORD oo ay kala hoggaaminayeen Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.

Dhulkii hore loo oran jirey gobolka waqooyi bari dalka Kenya ayaa u kala qeybsamay 3 ismaamul county ( Garissa, Wajeer iyo Madheera) Garissa iyo Wajeer waxaa ku guuleystay xizbiga CORD halka Mandheera ku guuleystay JUBILEE.

DHAGEYSO

Kursiga Gofernetooraha Garissa waxaa ku loolamay 4 qof, waxaana doorashadii ku guuleystay Mudane Nadiif Jaamac Aden waxaana soo foodsaaray caqabado. Maxkamadda sare ee dalka waxaa tagay Cabdikariim Cusmaan oo ahaa madaxii ololaha ninkii lagaga guuleystay doorashada Mudane Cali Bunow Qorane maxkamadaas waxaa loo ballansan yahay bisha Oktoober 2013ka.

Dowladda Nadiif Jaamac waxay soo dooratay guddoomiyaha baarlamaanka Garissa County waxaana jira dad ka biyo diiday doorashadaas.

Nadiif Jamac wuxuu soo dhisay golihiisii wasiiradda waxaana maxkamad geeyey qolo sheegatay inay yihiin qolooyin laga badan yahay dastuurkuna qeexayo in ay qeyb ku yeeshaan nidaamka magacaabista golaha wasiirada sidoo kale curyaanada ayaa maxkamad geeyey golaha wasiirada iyagoo sheegaya in laga tagay haykalkii ay aheyd in loo soo dhiso golaha wasiirada countiga.

Garissa County waxaa lasoo magacaabay 7 xubnood oo ah guddiga adeegga bulshada kaasi oo baarlamaanka Garissa County la geeyey kadibna ay soo diideen iyagoo dhaliilsan qaabka loo soo magacaabay oo ah qaab siyaasadeed iyo qabiil.

Waxaa kadib soo baxay in ay muwaadiniin u dhashay gobolka ay aadeen maxkamad iyagoo diidan halka loo soo madhay ama lo soo xulay guddiga adeegga bulshada, Ismaaciil Cali Baraki iyo maxamed Aden Tarbad ayaa maxkamadda sare ee Nairobi u joogsadeen si loo joojiya wax-howl ahna aysan u qaban karin guddigaas.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa soo go`aamiyey in aysan wax shaqo ah qaban karin guddiga adeegga bulshada illaa inta ay maxkamadu go`aan ka gaaraysa kiiska ka dhanka ah ee yaala maxkamadda. Xubnaha dacwadda gudbiyey ayaa sheegay in 5 kamid ah xubnaha guddiga adeegga bulshadu ay hore u diideen guddiga shaqaaleynta ee garissa County iyo in aysan qaar kamid ah xubnahaasi aysan u qalmin shaqadaasi.

Xubnaha guddiga adeegga:

1. Haaruun Maxamed Yuusuf .......      gudoomiye

2. anet wmbui                            .....Xoghaye

3.Cabdisalaam sheekh Maxamed .... Xubin

4. Maxamed Yuusuf ..........         . Xubin

5. Fardowsa cabdiqaadir................xubin

6. Cabdirasaaq saacid  ..............xubin

7. Maxamed Ibraahim ...........Xubin

Hanaanka Garissa County loo dhisay ayaa ah 3.5 taasoo aheyd mid ku cusub oo markii ugu horreysay Garissa jagooyin loogu qeybsado, dadka qaar ayaa aaminsan in dowladda Nadiif Jaamac ay dhinac u janjeedho waxayna cuskanayaan inay jiraan Shaqooyin la bixiyey oo aan la shaacinin. sidoo kale waxaa dowladda Garissa in aysan codkar aheyn oo nugul halka ay dadka qaarna ku doodayaan in dowladdani ay tahay middii ugu munaasabsaneyd.

Baaritaanno ay idaacadda Rasala Fm sameysay ayaa tusunaya inay jirto gabaabsi dhanka hanaanka socodka howlaha Garissa County, Shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradda Maaliyadda ayaa la sheegay inay ka buuxaan shaqaale aan si sax ah loosoo qorin, waxaa kale oo soo baxay boob dhanka dhulka ah iyadoo ay ganacsadayaasha qaar dhisanayaan dhulka dadka ka dhaxeeya iyadoo dadkii danyarta ahaa ee ku ganacsanayey dhinacyada wadadda Kismaayo-road laga burburiyey.

DHAGEYSO

Xigasho: idaacadda Risala Fm

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles