Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

wadahadaladii Adhis Ababa oo aan weli lagu heshiin+ VIDEO

$
0
0


Adhis Ababa (Afdheer) Kulamo bilowday shalay subax (Arbaco 21.Agoosto 2013) ayaan illaa hadda laga guul gaarin sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay waxaa jira wadahadallo toos u dhaxmaray madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo madaxda dowladd goboleedka Jubaland oo uu dhaxdhaxaadinayo wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo xubno kale oo ka socda IGAD illaa haddana ma jiro wax lagu heshiiyey shirkuna wuu socdaa.{jcomments off}

Photo

Wadahadaladan waxaa soo qorsheeyey urur goboleedka IGAD waxaa jirey ajandayaal ay muhiim aheyd inay labada dhinac falanqeeyaan kadibna ay ka heshiiyaan si loo soo afmeero ismariwaagii Muqdisho iyo Kismaayo ka dhaxeeyey mudadda dheer, waxaa kale oo dib u heshiisiinta labadan dhinac ka qeybqaatay ergeyga Soomaaliya u qaabilsan QM.

Dhanka maamul goboleedka Jubaland waxaa ergada u hoggaaminaya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) waaxaa ergada Jubaland ka mid ah rag culus oo jilbaha u aastay sidii ay u meel marin lahaayeen hirgalinta maamul goboleedka Jubaland.


Urur goboleedka IGAD oo ay hormuud ka yihiin dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa labada dhinac ku caddaadiyey inay ka heshiiyaan arrimahooda gudaha. Ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Jubba regions Mr. Geele Jaamac Mursal oo ka mid ahaa madaxdii IGAD uga qeybgashay wajigii koowaad ee shirkii adhis Ababa ay ku yeesheen labada dhinac  ayaa door muhiim ah ka qaatay in isfaham laga gaaadho is-mariwaaga, IGAD ayaa dooneysa in xal loo helo khilaafka ragaadiyey geedi socodka xasilinta dalka Soomaaliya.


Faarax Cabdiqaadir oo madaxtooyada Muqdisho u qaabilsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay inuu qeyb muhiim ah ka cayaaray isu soo dhawaanshaha labada dhinac wuxuuna ka mid ahaa madaxdii joogtay wajigii hore ee shirkii Adhis Ababa ku dhaxmaray dowladda iyo maamulka Jubaland.

{youtube}0uV1BYqN7PU{/youtube}

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ( Gurguurte) ayaa Adhis Ababa u yimid sidii uu uga qeybgali lahaa sannadguuradii kasoo wareegtay geeridii Males Sanaawi, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) ayaa isna soo gaadhay Adhis Ababa si ay fool ka fool isu arkaan labadaas nin xalna loogu helo arrimaha lagu muransan yahay.

Kulama ka dhacay Adhis Ababa illaa hadda ma jiro wax heshiis ah oo laga gaaray arrimihii la isku yahay waxaana socda wadahallo ay IGAD ku doonayaan in la isku soo jiido labada dhinac.

FG: Sawirada qaarkood waxaan kasoo xiganay Google.

 

Aden

Adhis Ababa

info@afdheer.com

afdheer.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles