Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Doorashadii Jaaliyadda Jubaland Norge 25/08/2013

$
0
0

Shir ay isugu yimaadeen Jaaliyada Jubaland Norway oo ka dhacay Oslo gaar ahaan xaafada Grönland; Motfeldts gate 6B, 0187 galabta 17:00-20:00 ayaa lagu doortay maamulka Jaaliyadda Jubaland ee dalka Norway. Habka ay doorashada u dhacday ayaa waxaa soo agaasimay guddi qabanqaabo ayadoo warbixin laga dhagaystay xubno si ku meelgaar ah u waday hawsha Jaaliyadda.{jcomments off}

Xubnahaas ayaa warbixin dheer ku sharaxay waxqabadkoodii mudadii ay hawsha wadeen iyo caqabadihii soo wajahay mudadii ay hawsha soo daadihinayeen.

Waxaa la guda galay ajandahii shirka, waxaa la soo bandhigay laba hindise midi wuxuu soo jeediyay in hawl-wadeenadii hore dib loo doorto,maadaama ay hawlo badan soo qabteen, loona  dhamaystiro wixii ka dhimman, kan labaadna in la tarshiixo ama la sharraxo gudi cusub codna loo qaado.

Arintaas ayaa lafteeda cod lagaliyayay, waxuuna codku u batay in kalsoonida la siiyo lana dhamaystiro gudigii ku meelgaarka ahaa, intaas ka dib ayay qabanqaabiyayaasha shirku ka codsadeen shirka in la siiyo mudo yar oo ay ku soo dhamaystiraan waxa ka dhimman gudigii hore, xubnaha shirku waa ay ka aqbaleen codsiga qabanqaabiyayaasha amaba shir gudoonka shirka.

Mudo gaaban ka dib ayay ku soo laabteen hoolkii shirku ka socday waxayna soo bandhigeen magacyada maamulka oo dhamaystiran. Mar labaad ayaa cod loo laguna ansixiyay maamulka cusub ee Jaaliyadda. Maamulka cusub waxaa doortay Dhamaaba dadkii ka soo qaybgalay shirku , marka laga reebo hal qof oo ka aamusay.

Markaas ka dib ayaa hadalka la siiyay gudoomiyaha cusub si uu kalimad uga dhaho munaasabada doorashada. Waxa maamulka  cusub loogu hambalyeeyay doorashada loo doortay hogaaminta jaaliyada Jubaland Norway.

Waxaa xusid mudan in maamulka laga codsaday inay soo gudmiyaan magaca hal qof  oo ka mid noqda gudiga maamulka Jaaliyada maadaama loo baahan yahay sharci ahaan tiro isdheer mararka la rabo in loo codeeyo mooshin.

Halkaas ayaana lagu soo afjaray shirka.

Magacyada Gudiga:

 

  1. Abdi Ibrahim Magan (Cirjiir)   Gudoomiye
  2. Abdi Afeey Sheekh Ali            Gudoomiye ku xigeen
  3. Sadiiq Arab                              Xoghaye
  4. Abdiwali Mohamed Hussein   Arimaha Bulshada
  5. Ahmad Abdi Omar                  Qaybta Dhaqaalaha
  6. Mukhtar Moallin Ahmad                  Ku xigeen Dhaqaalaha
  7. Khadijo Salaad Ali                  Qaybta Dumarka
  8. Samiiro Ali Shoocaac              Qaybta Dumarka

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles