Adhis Ababa (Afdheer) Wiig shir u socday reer Muqdisho iyo reer Kismaayo ayaa laga gaari waayey wax natiijo ah waxaana la sheegayaa inay la wareegeen korjoogayaashii ama dhaxdhaxaadiyeyaashii shirka si ay go`aan uga gaaraan qodobadda ay isku mari waayeen labada dhinac.
Shirka ayaa hakad galay kadib markii ay shalay isku afgaran waayeen cidda leh awoodda maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo taasoo keentay in lagu kala kaco fadhigii shalay galab.
Dowladda federaalka waxaa heysta caddaadis kaga imanaya beello gacansaar hoose la leh oo ku khasbaya inaan wax tanaasul ah aysan ka sameyn arrimaha Jubaland halka ay ergada Jubaland sidoo kale caddaadis ka heysto ergooyinka 3da gobol oo aan ogolaan doonin in wax laga baddalo wixii lagu heshiiyey shirweynihii Kismaayo.
IGAD iyo QM ayaa laga warsugayaa inay go`aan rasmi ah ka gaaraan qodobada laysku hayo, ilo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey in aysan Adhis Ababa ka bixi doonin labada dhinac illaa ay ka saxeexaan heshiis.{jcomments off}
Adhis Ababa
info@afdheer.com
afdheer.com