Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Hon. Ilyas Bare Shiil oo u waramay Universaltv + VIDEO

$
0
0

MP laga soo doorto Faafi oo ka tirsan Garissa county ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey tvga Universal wuxuuna yiri Soomaalidu ha ka fogaadeen khibaatooyinka ka dhacaya meelaha ay degaan si nabad uhelaan gaar ahaan kuwa ku nool xeryaha qaxootiyada Kenya iyo kuwa ku nool magaalooyinka sida Islii.

{youtube}dM_0tTfsdHo&list{/youtube} {jcomments off}

Soomaalida dhaqaalaha haysata yeysan dhisin Nairobi ee ha shisteen meelaha kale ee ay Soomaalidu leedahay ama ha dhsteen meelaha ay xabbadu ka socoto ee dalkoodii hooyo oo maalgashi ha ku sameeyeen.

Soomaalidu dalkoodii wanaagsanaa dib ha u dhiseen dhaqaalahana ha galiyeen dalkoodii oo lamahuraan ah kuwa ku nool Kenya ee ka ganacsada waa dad annaga nala mid ah waanan garab taaganahay mar kasta iyaguna ha iska qabteen kuwa dhibaatada wada ee ku dhax nool.

Hon. Ilyaas wuxuu sheegay inay soomaalidii soo qaxday ilbixiyeen laakiin ay xoogaa ku xunyihiin kala dambeyn ma leh soomnaalida soomaaliya, sida dhabta ah annagu fudeyd ayaan ku xamanaa Soomalida soo qaxday iyaguna habacsanaan ayey nagu xantaan. Soomaalida wixii wanaag ah waan ka baraneynaa laakiin wixii xumaan ah kama baran doono.

Anigu Soomaalinimo ayaa igu jirta waanan ku faanaa soomaalinimadayda waligeyna waan jeclaa Soomaaliya.

Ugu dambeyn Hon Ilyaas Bare Shiil ayaa Soomaalida ugu baaqay in aysan is kala soocin ee ha la isku dhajiyo hana joojiyeen qabiilka, soomaalidu ha is aaminto dalkoodana ha aaminaan sidaas waxaa yiri xildhibaan laga soo doorto deegaanka Faafi ee Garissa county.

Thumbnail

Ruuxii haysta sharci Kenya waa Kenyaan ruuxii heysta sharci Soomaali ama qaxooti oo sax ah ama sharci ah xuquuqdiisa ayuu leeyahay mana aha inay soomaalidu laaluush bixiyaan iyagoo sharci haysta, Soomaaliduna ha ka foggaadeen wixii dhib ama abni darro ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles