Aato (afdheer) duulaan lagu qaaday saldhigyo ay lahaayeen maleyshiyada Shabaab ee gobolka Bakool ayaa la sheegay in lagu laayey ku dhawaad 50 malesyhiyada shabaab ka tirsanaa iyadoo lagu soo qabtay 12 maxaabiis ah.{jcomments off}
Duulaankan oo sida muuqata jawaab u ahaa weerar ay shabaab ku qaadeen tuulada FARAQ oo ka tirsan degmada Aato ayey saraakiisha ciidankaas howlgalkan fuliyey ku sheegeen inuu ahaa mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ka mid ahaa kuwii lagaga soo duulay halka lagu magacaabo FARQ oo duleedka galbeed ee degmada Aato ku aadan.
Dhowr saldhig oo ay shabaab ku xooganaayeen ayaa dhammaan laga qabsaday.
Saraakiisha howlgalkan hoggaaminaya ayaa sheegay inuu socon doono howlgalku illaa laga sugayo abniga degmooyinka Ceelbarde, Aato iyo Yeed si loo adkeeyo abniga xuduudka Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
faahfaahin dhammeystiran naga fisha...
afdheer.com