Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Tiro ka badan 200 qof oo ku dhintay Bakool.

$
0
0

Yeed (Afdheer) Shalay galab waxaa duulaan lagu qaaday dhowr saldhig oo ay shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeysa Aato iyo Xuddur dagaaladaas oo u dhaxeeyey shabaab iyo ciidamo ay maalmo ka hor ku weerareen duleedka degmada AATO ee gobolka Bakool waxaana dhacay dagaallo xoog leh oo laysku adeegsaaday labada dhinac hub wixii ay heysteen.

dhimashada ayaa la sheegayaa inay gaartay tiro ka badan 200 ruux, dhaawac aan tiradiisa weli la ogaan iyo maxaabiis badan oo laga qabsaday shabaab.

4 saldhig oo ay shabaab ku lahaayeen Bakool gaar ahaan dhulka u dhaxeeya Yeed-Aato -Ceelbarde -xuddur iyo waajid oo lagu dirriray shalay ayaa dhammaantood laga qabsaday shabaab.

Waxaa illaa fiidnimadii xalay socday weerarro teelteel ah oo lagu raadjoogay shabaab, weerarkan oo jawaab u ahaa weerar ay shabaab ku qaadeen tuulo ku taal duleedka degmada Aato ayaa la qaaday shalay kadib markii la diyaariyey ciidamo awood u leh inay sugaan abniga degmooyinka xuduudka ee gobolka Bakool.

Ciidamadan la wareegay saldhigyadii shabaab ayaa xaqiijiyey inay weerari doonaan meel kasta oo saldhig u ah shabaab kuna taal gobolka Bakool.

Shacabka gobolka Bakool ayaa garab taagan ciidamada dagaalada kula jira shabaab kadib markii ay maalmo ka hor weerar gaadmo ka fuliyey degmada Aato shacabka Bakool ayaa ciidamada ka caawinaya wax kasta oo ay awoodaan, boqolaal gaadiid ah oo gurmad ah ayaa gaaray degmada Aato. {jcomments off}

 

Bakool

afdheer.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles