Muqdisho (afdheer ) Axad 7, Disember 2014. Shalay xildhibaanadu waxay ka doodeen mooshinka laga keenay xukuumadda.
Xildhibaan ka mid ah xildhibaanada federaalka dalka soomaaliya ayaa yiri "Afhayeenka baarlamaanku wuxuu tagay Baydhabo, Madaxweynuhu wuxuu tagay Jowhar wax dhib ahna looma arkeynin, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya haduu tagay puntlaan muxuu yahay dembiga uu galay ".
Hadalka xildhibaanka ayaa ah mid saameyn reebay marka laga soo tago mooshinka lagu riday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo xildhibaanadu sharci darro ku tilmaameen in asalkiisu ahaa. {jcomments off}
Marka laga soo tago hadalka xildhibaanka, Soomaaliya waa dal ay aafeeyeen dagaallo sokeeya welina awoodda dowladda waxaa lagu qeybsadaa qaab 5 beelood.
Awood qeybsigaas Burburkii dalka soomaaliya 1991-kii laga soo talaabo waxaa madaxweyne noqonaayey nin Hawiye ah halka Daarood noqonayey ra'iisul wasaare, marka laga reebo dowladdii madaxweyne cabdullaahi Yusuf.
2 sanno iyo bar qiyaastii waxaa la riday 3 ra'iisul wasaare Daarood ah kana tagay Muqdisho caasimadda dalka soomaaliya su'aasha la is weydiinayaa waa intee bay Socon kartaa masuuliyiinta beesha Daarood ee loola dhaqmayo sidan iyagoo doonaya midnimada iyo qaran Soomaaliyeed?
Afdheer.com
info@Afdheer.com