Kismaayo (afdheer) Axad 7, Disember 2014. Markii ugu horreysay dowladda federaalka soomaaliya waxay xafiis ka furtay Magaalada Kismaayo xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamul goboleedka Jubaland.
Xafiiskan wuxuu bixin doonaa baasaboor Soomaali ah iyo macluumaadka la xiriira socdaalka iyo jinsiyadaha.
Qaar ka mid ah madaxda Jubaland ayaa soo dhaweeyey talaabadaas kuna tilmaamay xiriir wanaagsan oo isku soo dhaweynaya maamul goboleedka Jubaland iyo dowladda dhexe ee soomaaliya.
{jcomments off}
Afdheer.com