Quantcast
Channel: Bogga Hore
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Xafladda magacaabista ra`iisul wasaaraha cusub oo fiidnimada ka dhacaysa Muqdisho.

$
0
0

Muqdisho (afdheer) Arbaco  17 Diiseember 2014, Waxaa soo gabagaboobay wadahadaladii kooxda madaxweynuhu la lahaayeen masuulka loo wado xilka ra`iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. Omar Abdirashid Ali Sharmarke.

Sida laga soo tabiyey villa somalo waxaa galabta billaabmi doona qabanqaabada xafladda waxaana fiidnimada dhici doontaa magacaabista ra`iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.{jcomments off}

Qaabk ay noqon doonto xukuumadda cusub iyo wadashaqeyntu ayaa illaa shalay markii uu Muqdisho soo gaaray Cumar laga wadahadlayey waxaana la sheegay in lagu heshiiyey loona magacaabayo Cumar ra`iisul wasaare.

Warbaahinta Soomaalida ayaa wax badan ka qoray magacaabista Cumar Cabdirashiid iyagoo qaar badan ka qoreen in uu ku lug lahaa badda Soomaaliya ee ay isku haystaan Soomaaliya iyo Kenya una gudubtay dacwadeedu maxkamadda aduunka inkastoo aan xaqiiq loo heynin eedeyntaas.

 

Muqdisho

info@afdheer.com

afdheer.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2216

Trending Articles