Kismaayo ( afdheer ) Khamiis 18. 12.2014. Madaxweynaha soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud iyo Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Axmed-madoobe.
Wadahadal kadib waxaa Kulankaas kasoo baxay laba qodob oo kala ah:
1. Maanta laga bilaabo Sh. Axmed-Madoobe waxaa loogu yeeri karaa madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland taas oo la micne ah in maamulkii KMG ee Jubba laga baxay loona gudbay Jubaland state.
2. In sii hayaha wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya mudane Xuseen Cabdi Xalane ka mid noqdo xukuumadda cusub ee Soomaaliya wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ahna ra ' iisul wasaare ku xigeen.
labadan qodob ayaa lagu soo gabagabeeyey kulankii ka dhacay garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa ku laabtay Muqdisho halka qeyb ka mid ah wafti saaka yimid ku hadheen Kismaayo.
Kismaayo
afdheer.com