Baydhabo, Sabti 20. Diiseember 2014, Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur galabeed dalka Soomaaliya Shariif Xasan sheekh Aden iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa booqasho ku tagay caasimadda maamul goboleedka KG Soomaaliya magaalada Baraawe.{jcomments off}
Shariif Xasan ayaa soo kormeeray dekedda Baraawe, iskuulo, isbitaal, xeryo ciidan iyo xarumihii hore ee dowladdii Soomaaliya ku lahayd Baraawe.
Shariif Xasan ayaa yiri "waxaan si dhaqso leh u billaabi doonaa sidii xafiisyada maamul goboleedka loo dhisi/dayactiri lahaa si loogu soo guuro Baraawe, waxaa kale oo aan si deg deg ah u dhisi doonaa dekedda Baraawe iyo Garoon caalami ah oo ay diyaaraduhu kasoo degaan".
Safarka madaxweynaha KG Soomaaliya waxaa ka mid ahaa xildhibaanno dowladda federaalka ku jira iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.
Booqashada Shariif xasan waxaa ku tagay Baraawe waxay iskugu yimaadeen Amb. Nicholas Kay oo ah wakiilka UN u qaabilsan Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa booqday gobolka Bakool halka markan booqday gobolka shabeelaha hoose taasoo ka dhigaysa inuu booqday saddexda gobol ee maamul goboleedku ka kooban yahay doorashadiisii kadib, Shariif Xasan wuxuu shaaciyey in maamulka KG yeelan doono ciidan u gooni ah maamulka oo deg deg loo dhisi doono.
Baydhabo
afdheer.com