Adis Ababa. Magaalada Adhis Ababa caasimadda dalka Ethiopia waxaa laga hirgaliyey jid tareen oo dhererkiisa lagu sheegay 32Km jidkaas oo yeelan doona 39 stop ama train-station.
Jidkan waxaa dhisaya Shiinaha waxaa la furi doonaa sannadka cusub Janaayo 2015. {jcomments off}
Nus malyan doolar lacag ah ayaa la sheegay in ay ku bixi doonto jidka tareenkaas, waa markii ugu horreysay oo jid tareen yeelato magalada Adis Ababa taasoo wax weyn ka tari doonta socodka dadka ku nool magaalada.
Horumarka dhan kasta leh ee dalka Ethiopia ku talaabsatay 20kii sanno ee la soo dhaafay ayuu ka mid yahay jidka tareeen ee laga furayo Adis Ababa.
Adis Ababa, Ethiopia
info@afdheer.com
afdheer.com